DOQONKA AYAA KA BADAN FARIIDKA.!!!

Abwaanka weyn ee Cismaan C/Nuur Xaashi ayaa yiri: In Fariidyadu nagu yaraayeen, Nacasyaduna nagu badnaayeen, waxaa laga helayaa afkayaga. Wuxuu lee yahay Abwaanku: Af-soomaaliga waxaa laga helayaa oo keliya: Fariid, Warac iyo Dirac, laakiin doqonka waxaa laga helayaa Afka ilaa dhowr iyo toban: Dabbaal, Doqon, Nacas, Neef, Naanaab, Sawaab, sacsac, liid, sagagar, bahaluul, seegseeg, xarigla` iyo, …
Soomaalidii uu hadalkaas u jeedinayey oo wadaddo u badnayd ayaa hal mar indhaha taagtay , markaas buu daliil Qur`aanka uga raadiyey. Waxa uu yiri: In Fariidyadu yar yahiinba Qur`aanka ayaa lagu sheegay, waa tan Alle lahaa: Badankood waxba ma kasayaan, Badankood waxba ma fahmayaan, Badankood, . . .
Markii aan dhageystay qudbada Abwaanka ayaan is weydiiyey: imisa Xildhibaan oo doqon ah baa ku jira Baarlamaannada dalka? Imisa siyaasi oo sawaab ah baa xil dalka ka haya? Imisa Xarig la` baa xildoon maanta ah? Imisa sacsac baa inta fursad iska helay, maanta bulshada meel sare kaga jira? Imisa Naanaab baa bulshada wax u soo tebiya? Imisa, Imisa, Imisa, …? Ma garan karo in iswarsadkaasi saxan yahay iyo in kale, welise waan wadaa.
Suldaan Nayruus
Maxaa yaab isdabayaal