Dablay Hubeysan oo nin da’ ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ku dilay Nin oday ah oo ka mid ah dadka degaanka.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Sheekh Muxumad Sandheere.

Dilka ninkaan ayaa dhacay xili uu Salaada Cishaha uu u weyso qaadanayay kuna sugnaa garaash baabuurta lagu xareeyo uu ku lahaa xaafada Kurdamac.

Ragga hubeysan ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa taasoo sababtay inuu ku geeriyoodo isla goobta.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Deyniile ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka.