Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Muqdishu:- Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo argagixisada Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha baadda ah, iyagoo sidoo kalana soo saaray miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka.