Golaha shacabka oo ansixiyey xukuumadda cusub ee dalka +Sawirro

Muqdisho:-Kulan ay maanta xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ay ku yeesheen mudanayaasha golaha shacabka, uuna shir gudoominayey gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble golaha ku horkeenay xukuumadiisa, isagoo waydiistay in ay kalsoonida siiyaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga.

Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda.