Ururrada Haweenka Gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe oo codsaday in la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Hirshabeelle+Sawirro.

Ururrada Haweenka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kulan ay maanta ku yeesheen Caasimadda Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa waxay kaga hadleen sidii ay uga heli lahaayeen koontada Haweenka, duubabka dhaqanka ee Hirshabeelle.iyo dowlada Federaalka.

Haweenka ka qeyb galay kulanka oo goobta hadalo ka jeediyay ayaa dalbaday inay helaan saamiga haweenka ay ku leeyihiin dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, lanasiiyo kaalintooda..

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Shabeelaha Dhexe Madiino Caddow Colow ayaa ka codsatay duubabka dhaqanka ee Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka in la siiyo qoondada haweenka ay ku leeyihiin dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo lagu wado in dhawaan la soo xulo Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.