Kaartadii EPLF iyo SNM!!!.

Maalin dhawayd waraysi uu bixiyay Dr. Maxamed Cabdi- Gaboose, waxuu ku sheegay: ” In markii dagaalka nagu dheeraaday xaruntii taliskana ee Muqdishana nagu fogaatay in aan heshiis la galnay jabhaddii uu hoggaaminayay Gen. Caydiid ee USC si culayskii na haystay nooga yaraado waana ku guulaysannay oo ciidankii gurmadka ahaa ee nagu soo socday gobalada dhexe bay dhexda u galeen waana hakiyeen, sidoo kale ciidan badan oo la hayb ahaana jiiddii ku aaddanayd SNM, si xawliya bay u soo goosanayeen annaguna waan u gudbin jirnay ilaa markii danbe caasimaddii la qabsaday oo taliskii Siyaad Barre sidaas ku burburay bishii January 26keedii 1991kii “.
Kaartadaas waxaa hore u isticmaalay jabhaddii ka dagaalami jirtay Ereteriya ee Eritrean Peoples Liberation Front (EPLF), waayo markuu dagaalku ku dheeraaday oo ku dhawaad socday rubuc qarni waxay taageereen jabhaddii Tigreega ee TPLF ee ka soo xigtay dhanka caasimadda si ay uga xigsadaan ama ula wiiqaan quwaddii taliskii Addis ababa. Jabhaddii Tigreega TPLF ee hoggaaminayay Meles Senawi waa kuwii dhexda u galay gurmadkii ku aaddanaa dhulka Ereteriya ilaa heer u gaadhay taliskii Mingiistu inuu diyaarado wax walba u isticmaalo iyo meelo yar oo maraakiibta xeebaha uu haysto ku daabalo ilaa uu ka dummo xukunkii Mingiisto Xayla Maryam bishii May 1991kii.
Haddaba maxaa dhacay markii labadii kaarto ee EPLF iyo SNM guulaysteen?
Horta waxaa 3 bil hor dumay taliskii Siyaad Barre, waxuuna saldhig ka dhigtay gobalka Gedo kuna hamiyay inuu dib u soo rogaal celiyo isagoo labo jibaaray kaarkii qabyaaladda ee yaa reer hebelaay!. Dhanka kale ururkii SNM ee hoggaaminayay Cabdiraxmaan Tuur waxay kala qaateen labo fikradood oo kala ah: waa in dib ula soo noqonaa dawladdii aan ku darsannay koonfur 60kii iyo fikrad kale oo leh war bal inoo kaadsha wali dalkii waa qasanyahay oo ninkii waa kan fadhiya Garbahaaray walina leh annigaa madexweyne sharciga ahee ragna waa taan ballan la galnee ee yaynaan degdegin waliba SNM kalaa wali dagaal koonfur ku jirta. Fikradda danbe waxaa qabay Cabdiraxmaan Tuur daduu ka mid yahay balse waa laga cod batay deedna bishii May 18 keedii 1991kii waa tii lagu dhawaaqay Somaliland.
Maalmo ka dib Siyaad Barre ciidamadiisii waxay weerar ku qaadeen garabkii SNM ee loo yiqiin Khaalid bin Walid ee ka dagaalami jiray goballada Gedo iyo Bakool, waxaana goobtaas oo ahayd magaalada Luuq ku dhintay hoggaamiyihii garabkaas kana mid ahaa golaha dhexe ee SNM, Cabdinaasir Sheekh Cali Salaad iyo ciidan badan oo ka tirsanaa SNM, ka dib markii ay gurmad ka waayeen ururkii ay ku tiirsanaayeen waxay hadhaadigii u xuub siibteen ” SSNM”.
Jabhaddii uu hoggaaminayay
Isaias Afwerki, ayagu markiiba goosasho kuma dhawaaqin ee ilaa uu Meles Senawi dhulkii oo dhan xasilinayay oo gobal ilaa gobal gaadhayay way taageerayeen ilaa uu ka gaadho Feerfeer, ina Guuxa Mooyaale ilaa xuduudda Kenya, Djabuuti iyo Soodaan, waxayna kasii tirsanaayeen ku dhawaad 4 sanno ugu danbayn iyadoo dunida iyo xukunkii Addis ababa goobjoog ka yihiin baa afti laga qaaday dadkii Ereteriya, waxayna u codeeyeen inay la soo noqdaan dawladdii uu xoogga ku qabsaday Xayle Selassie markii ay ka xoroobeen gumaystihii Talyaniga ( annexed).
Labadaan sawir midna waxuu dawlad xoog leh u noqday midna qas iyo jahawareer u galay waxaan ku soo koobin inta kor ku xusan oo lagu daray Mingiistu isagoo 100 km loo jiro caasimadda Addis ababa oo nalka iyo biyihu socdaan buu diyaarad ku cararay oo Zimbabwe magangalyo u doontay halka Siyaad Barre oo laga haysto magaalada 97% furinta USC-na noqotay iskuulka 15 May ayuu wali dagaalamayay ilaa loogu daatay Villa Soomaaliya oo markii danbe tangi qafilan ku cararay dibna dhawr sanno u sii dagaalamayay isagoo leh wali waxaan ahay madexweynaha sharciga ah. Waligii xukunkiisu sharci ma noqon xoog buu ku qabsaday xoog baana looga maroojiyay.