Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Jabuuti.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqs iyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaal iya Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka DFSu fadhin doona dalka Jab uuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo G/Wasii rada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay R/Wasaare Ro oble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay.

“Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Saf iirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaala ha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay 4tii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

“Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxa ana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaal iya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowla dda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Sala ad Cali Jeelle. Md.Salaad,waxa uu si indho la’aan ah u taage eray Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay.

Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gud beyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi.

Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taagee rsanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan.