Qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan,isla markaana jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa xalay wuxuu ka dhacay Gudaha Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid saarnaa mooto Bajaaj, isla markaana uu dhawac ka soo gaaray dad Shacab ah oo marayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Majirin dad si gaar ah qaraxaasi loola beegsaday, waxaana qaar ka mid dadka ku nool Magaalada Baydhabo ay sheegeen in dadka qaraxaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baydhabo ayaa waxay maanta gudaha Magaalada Baydhabo ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas.