Oday Soomaaliyeed ”Qarnigii hore Siyaad Bare Ma aheen ninka ugu saameyn badnaa ee Wahaabiinta ayaa ugu…”


Nin oday ah oo saaxiibo nahay baan shaley oo 21 oktoobar ku beegnayd aan ku iri ” Siyaad Barre soo ma aha qarnigii tagey qofkii ugu saameynta badnaa nolosha Soomaalida “.

Maya buu igu yiri odaygii wuxuu ii sii raaciyey ” Siyaad Barre waxaa ka saameyn badnaa raggii 90-meeyadii Soomaaliya ku faafiyey fekerka Salafiga ee Wahaabiga. Guri kasta oo Soomaali degan tahay ayuu si toos ama si dadban u gaarey fekerkan. Iyaga ka hor ma jirin qof is qarxiya iyo baabuur qaraxda.

Meyd wadooyin waran, jir kala go’go’ay oo si loo aaso la aqoon. Qof Soomaali oo misaajid ka soo baxey oo la dilayo oo la leeyahay waa murtid salaadiisu aqbal ma ah. Waxey isku tilmaameen in ay yihiin Saxwad, kacdoon wada oo soo nooleynaya sunnadii Nabiga (CSW), taas bedelkeed waxey naceyb kala dhex dhigeen bulshadii Soomaalida ee qarniyaasha badan Islaamka ahaa waxeyna bulshada ku soo kordhiyeen gaalleysiin iyo argagax iyo kala qaybsanaan.

Qoladan ayaa ka saameyn iyo halis badan Siyaad Barre iyo askartii dalka afgabisey 21 oktober 1969-kii”.

Odayga jawaab iga yaabisey buu i siiyey meel aan wax ka eegin buu wax iga tusey.

Ilyas Mohamud Hussein