Kulamo ka tirsan Champions League-ga oo xalay la cayaaray.

Kulamo waaweyn oo katirsan Champions League-ka ayaa xalay la cayaaray, waxaana ku hardamay dhowr kooxood.

Kulamadii ugu muhiimsanaa ee la cayaaray waxaa kamid ahaa:

Bayern Munich Vs Atletico Madrid, kulankani waxaa loo awood sheegtay naadiga Atletico oo looga adkaaday 4-0.

Kooxaha Manchester City iyo Fc Porto ayaa iyaguna is arkay waxana 3-1 ku badisay Manchester City.

Sidoo kale Liverpool iyo Ajax ayaa wada cayaaray, waxaa 1-0 ku adkaatay Liverpool, waxaana xusid mudan in Ajax goolka ay iyagu iska dhaliyeen.

Ugu dmabeyn kooxda Real Madrid ayaa wajahday Shakhtar Donetsk, Real ayaa looga adkaaday 3-2.