Inti lala taliyo Siyaasi iyo Ciyaalka Xaafadda u xun!!!.

1-Siyaasi:
Siyaasi ayaa yiri: Markii aan Musharaxa ahaa Shacabka waxaan u ballan qaaday Nabadgalyo, …… Laakin Aqoon uma lihi Dagaalka, …..Qadar waan xishoodaa oo Xoolaheedaan xil ku qabtay. Ethiopia Abaaleey igu leedahay oo ilmo i dhibayay ayeey iga edebtay….. Reer hebel Abaal waa igu leeyihiin ,laakin xildoonkooda ayaan ka cabsanayaa….. Reer Qansax qaraabo waa nahay….. laakin Reer Babaay ayaa ka macaan……. waxaanse ka jecelahay Reer Liin dhanaan,…. Reer Qorac rajo iyo Riyo ayaa ku filan… Reer Maraay iyagaan dhaxdooda isku mashquulinayaa…. Saxiibkeey Xilka ayaan u dhiibay Dollarka Dadweynaha ayuuna soo daldashaa,….. Saaxiibkeeygii Qurbaha Safiiraan u ballan qaaday,…. Dhagax haddan dalacsiiyay soow deeqsi ma ihi…. Axmed qeyb ayuu ka qaatay ololeheygii dooradhada Laakin Kuwa Tolkiisaa ayaa hadda iiga muhimasan. … Cumar waxaan u ballan waan hilmaamay…. Cali Faarax tuug maahan laakin xoola dadweyne ayuu xadaa, wixii aan ballan qaaday Doorashadeeyda ka hor ma xeey ahaayeen ,waan hilmaamaye ?. ila tali Musharaxaan Ahaye.


2- Ciyaalka Xaafadda:

Cabdi Tik Tok ayaa yiri: Saaxiibkeey Maxamed Dahir oo talo idinka rabo ayaa yiri, Waxaan qorsheenayaa inaan guursado HANI…. Laakin Naciimo ayaa aad uga shidan…. ASMA waa Jir qurxoon tahay marka loo eego SIHAAM…. Dhanka kale XAMDI iyo Jaceylkeygi hore ee CAASHO ma Ilaawi karo.. Inkastoo hadda aan Jecelahay SHUKRI haddana waxaan ka maarmi karin Sheekada XALIIMO… Waloow CANAB iyadu i jeceshahay haddana ma rabo inaan ka tago oo mar mar baan ku madadaalaa… Luul Ma hilmaami karo xaaladdii aan isku baranay…. FARXIYO waxaan ka balan qaaday inaan Guursanaayo… Laakiin SACDIYO iyo FARTUUN oo ay is yaqaanaan ma rabo inaan Niyadda ka jabiyo….. MUNO iyadu Lacag fiican baan ku heystaa oo Fursaddaas ma beerdareyn karo…. Maxamed Dahir la tali, waa guur doone.

Labadaba maxaad kula talin leheeyd?

Qore: Yahya Amir