Imaamka Cusub oo u Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere!!!

Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo dhawaan loo duubay saldanada Imaamnimo ayaa ku fool leh Degmada Cadale, si uu halkaasi uga bilaabo Dib u heshiisiin ku aadan xal u helida dhibaatada Burdheere oo dhawr sanno jirsatey!!!
Abaabul ku saabsan arintaas ayaa laga dareemayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaam Daahir.
Booqasho la xiriirta arinta Dib u heshiisiinta Burdheere waxaa maanta hoyga Imaamka ku tagay Madax uu hogaaminayay Madaxweyne Cali Mahdi, kuwaasi oo Imaamka la wadaagay tallooyin ku aadan dhamaynta arinta Burdheere!!!
Lama iga inuu Imaamka cusub ku guuleysan doono nabadayntan iyo in kale, guul dhaqan ayay Imaamka cusub u noqon doontaa haddii uu ku najaxo xalinta dhibaatada Burdheere!!!