Guddiga Ganacsiga Aqalka Sare ee Mareykanka oo farriimo u diray Facebook iyo Twitter.

NEW YORK:– Guddiga Ganacsiga Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa Arbacadii warqado u kala diray Facebook iyo Twitter iyagoo ka codsanaya shirkadaha inay soo bandhigaan sida ay ugu lug yeesheeyn murashaxiinta madaxtinimada Mareykanka ee kala ah Donald Trump iyo Joe Biden.

Maamulayaasha sare ee labada shirkadood ee teknoolojiyadda oo ay wehliso Google Alphabet ayaa la filayaa inay ka hor caddeeyaan Guddiga hortiisa 28-ka Oktoobar oo ku saabsan sharci ka ilaalinaya shirkadaha internet-ka waxyaabaha ay soo diraan dadka isticmaala.

Guddigu ma uusan shaacinin faahfaahinta sababta ay u doonayeen helitaanka macluumaadka noocaas ah, laakiin waxay muddeeyeen ugu dambeyn 26-ka Oktoobar si ay shirkadaha uga soo jawaabaan.

Bisha soo socota ee Nofeembar Mareykanka waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho Madaxtinimo oo ay ku tartamayaan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo ay kala matalayaan Donlad Trump iyo Joe Biden.

Ololaha doorashada ayey labadan Musharrax aaad ugu adeegsanayaan baraha bulshada oo ay ugu horreeyaan Facebook iyo Twitter.