Xeer Ilaaliyaha Maamulka Jubaland oo u digay dadka gaysta Kufsiga.

Maxamed Sheekh Cusmaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqan oo juhdi ku bixinaya markii lagu soo eedeeyay shaqsi ay matalaan fal dambiyeedyo uu ka mid yahay kufsi si ay u badbaadiyaan.

Hayeeshe uu sheegay in marnaab Jubbaland aysan ogolaan doonin falalka uu kufsiga ka mid yahay,sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad ku sii daayaan.

Xrr Ilaaliyaha wuxuu u digay dadka Kufsiga gaysta, wuxuuna sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhanka kale Bilihii la soo dhaafay ayaa Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay falal kufsi iyo dil loo geystay Gabdho aad u yar, waxaana jira dad loo haayo kufsigaas oo Maxkamad sugayaal ah iyo kuwo aan weli gacanta lagu dhigin.