Tirada Dadk ku dhintay Maraykanka Sanadkaan oo gaartay Ku dhowaad saddex boqol oo kun oo qof.

WASHINGTON:-Ku dhowaad 300,000 oo qof ayaa ku geeriyootay Mareykanka inta lagu jiro aafada Covid-19 sanndkan gudahiisa, sida ay sheegtay xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudarrada CDC.

ugu yaraan saddex-meelood laba meel ayaa loo maleynayaa in ay sababsadeen COVID-19, sida lagu sheegay warbixin shalay gellinkii dambe ay soo saartay CDC.

Waxa ay sheegtay 299,028 ay geeriyoodeen intii u dhaxeysay Janaayo 26 ilaa Oktoobar Sadexdeeda ee sannadkaan taasi oo koroka dhimsada loo aaneeynayo CIVID-19.
Warbixinta waxaa lagu ogaaday in dhimasho xad dhaaf ah ay ka dhacday Mareykanka Intii lagu jiray Maarso ilaa billowgii Agoosto.

Dhimashada xad dhaafka ah ayaa laga eegay dhammaan sababaha keeni kara dhimasho waxaana ugu badan cudurka faafa ee COVID-19 ayey warbixinteeda ku dartay CDC.

Gobollada qaar ee Mareykanka qalliinada ayaa dib loo dhigay oo helitaanka daaweynta cudurada kale ayaa noqotay mid aad u dhib badan iyadoo isbitaalada ay la halgameen culeyska daaweynta dadka qaba COVID-19.

Cudurka faafa ee COVID-19 ayaa dunida u geystay dharbaaxo kulul intii lagu jiray sannadkaan sii dhamaanaya ee 2020, waddamo badan oo ku yaalla Qaaradda Yurub iyo Laatiin Ameerika ayuu ku soo laba kacleeyay labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay.