Xukumada Roole ee Farmaajism-ka Fahadism-ka Cusub!

Fallanqayntayda caawa waxaan rabaa inaan kaga hadlo xukuumadda cusub ee uu ku dhawaaqay saacado ka hor Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Marka ugu horreeysa sida horay aan idiin kugu soo gudbiyay qoraalladaydii waxaa ay gollaha cusub ka marag kacayaan sidii aan saadaaliyay kal hore.

Waxaan doonayaa akhrsite inaan farta ku fiiqo dhowr qodob oo ku saabsan wasiirradani cusub ee lagu dhawaaqay iyo sababta ka dambeeysa.

#• Xukuumadda cusub oo aan waxba laga beddalin wasiirrada ku matala Puntland iyo Jubbaland

#• Codsigii Deni iyo Madoobe ee ahaa in xilka laga beddalo wasiirrada kala ah Jamaal iyo Oomaar, iyagoo u arkayay in degaan doorashadooda ay caqabad ku abuuri karaan

#• Wasiirka dastuurka oo aan aaminsanayn nidaamka federalismka, dib u habayntii dastuurkana fadhiisiyay labadii sano oo uu xilka hayay, taasna waxay caqabad ku noqonaysaa doorashada in lagu soo celiyay booskiisii, waxaana laga baqayaa in doorashadana uu khilaaf u horseedo

#• Wasaaradda cadaaladda oo indhaha la tiray, ninkii shaqada fiicnaa laga wareejiyay oo loo magacaabay nin aan waxba ka aqoon nidaamka garsoorka(Tan ayaa cabaqad ku noqonaysa inay cadaalad helaan musharrixiinta u hanqaltaagaya doorashada)

#• Wasaaradda Gaashaandhigga oo iyana indhaha la tiray, maadaama ninkii cadaaladda yaqaanay loo dhiibay iyadoo uusan arrimaha ciidanka waxba ka aqoon haddana uu jiro khilaaf Maraykanka iyo kooxda Farmaajo oo ku saabsan dib u habaynta ciidanka DANAB

#• Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga oo la geeyay rag xagjir ah si ay danaha Villa Somalia uga fuliyaan gobolkooda Hirshabeelle(kan amniga waxaa horay u soo diiday UAE kaddib markii safiirnimadiisii ay qaadaceen kuna sifeeyeen inuu xiriir dhow la leeyahay Qatar, waxaana isaga iyo Gen. Mukhtaarba ka siman yihiin waxa loogu kala yeero Farmaajism-ka iyo Fahadism-ka)

#• Wasaaradda arrimaha dibadda oo la geeyay nin qaraabo dhow la ah Madaxweyne Farmaajo waqti dheerna u ahaa la taliye arrimaha Itoobiya iyo Eratariya(Taas oo muujinaysa in wasaaradda arrimaha dibadda ay siyaasad ahaan ku shaqeyn doonto mowqifka dowladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Eratariya wasaaradahooda arrimo dibaddeedyada)

#• Lix jeer oo uu safar Farmaajo ugu ambabaxay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eratariya Balal waa uu la socday Farmaajo iyo toban jeer oo uu Addis Ababa tegayba

#• Waxaa kaloo la yaab leh in wasiirrada Khadiijo iyo Xamsa oo muddo dheer soo hayay laba wasaaradood shaqo ahaanna wax fiican ka soo qabtay in loo kala beddalo wasaaradaha ayaa ah jahwareer cusub oo umadda loogu talagalay si loo fashiliyo kartida labadaa wasiir

#• Waxaa kaloo wax lala fajaco Soomaalida iyo anigaba na la noqday in laba wasiir loo sameeyo madaxtooyada oo hal shaqo ah, taas oo aan la garanayn sababta ka dambeeysa, balse aan ka danjire ahaan tuhmayo in ay salka ku heyso arrin siyaasadeed iyo doorashada 2021-ka

Isku soo wada duubee, xukuumaddani cusub ayaa u muuqanaysa mid fulinaysa qorshaha gurracan ee Farmaajism-ka iyo Fahadism-ka oo ah in xukunka ay mar labaad ku soo noqdaan,

waxaana marka koowaad ay doonayaan inay ku tijaabiyaan Hirshabeelle oo doorasho galaysa tan Hirshabeelle iyo tan guud ee dalka waxaa ay u kaashanayaan Qatar.

Wasiirrada todobaatanka ah wax kaalin ah oo uu ku leeyahay Raysal wasaare
Maxamed Huseen roole ma jirto iyo cid uu ka keenay madasha xisbiyada qaran, axsaabta kale iyo ururrada bulshada.

Waxaan aaminsannahay in marnaba ay umadda Soomaaliyeed ka yeelli doonin oo ay ka dhiidhin doonaan qorshaha gurracan 2021-ka ee aan ugu magac daray Farmaajism iyo Fahadism.

WABILLAAHI TOWFIIQ
Danjire Mahamed Caalim
Espoo, Finland
caalim68@hotmail.com