Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray dhismaha Cusub ee Xarunta Madaxtooyada maamulkiisa.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Kormeer ku tegay Xarumaha loo dhisaayo Madaxtooyada iyo Afar Wasaaraddood oo kala ah: Maaliyadda, Qorsheynta, Arrimaha Amniga, iyo midda arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha oo uu kormeerkan ku wehlinayey Agaasimaha Madaxtooyada Cusmaan Macallin Xasan ayaa halkaa waxa ku soo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud & Guryeynta Mahad Xasan Yusuf oo ka warbixiyey Mashruucaan.

Mashrucaan oo ay iska kaashanayaa Dowladda Galmudug iyo Hay’adda SSF ayaa madaxweynuhu daahfuray 10-kii Maarso ee sanadkan.