Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan oo deeq gaarsiiyey dadka reer Sudan ee fatahaaddu saamaysay

Khartuum :- Jaaliyada , ardayda iyo safaarada Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo iskashanaya ayaa deeq gar-gaar ah gaadhsiiyey in ka badan 400 oo qoys oo ah ah dadkii ku barkacay Fatahaadihii dalk Sudan ka dhacay labadii bilood ee la soo dhafay.

Ku dhowaad nus million qof ayay saamaysay Fatahadan kuwaas oo aan haysan guryo cunto iyo biyo ku filan midna, waxaana wadanka Sudan soo gaadhayey caawimaad Kala duwan oo uga imanaysay Hay’adaha kala duwan iyo wadamada calamkaba intabada.

Waxaa iyana dhan-kooda isku taagay Jaaliyada ardayd iyo safarada somaliyeed ee dalka suudaan sidii ay u Garab istaagi lahaayen dadka fatahaaduhu sameyeen ee walalohood ee reer Sudan isla markaana ay gacan uga gaysan lahaayen dadka ay dhibaatadu samaysay.

Ugu horayn dadkii gargaarka lagaadhsiyey ayaa ugu mahadceliyey shacab-ka somaliyed sida ay ugarab istaageen ugana soo Damqadeen Dhibaatada ku dhacday.

Dhanka kale jaaliyada iyo ardayda ayaa iyana dhankooda ka hadlay iyago sheegay in intaas iyo in kabadan ba ay istaahilaan walalaha reer sudan madama ay iyana xiligii adkaa soo Garab istaageen dadkeena.

Dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan garab istaaga wadamada ay dhibaatadu samayso taasna ay sabab u tahay isku duubnida Shacab-ka Soomaliyeed.