Ciidanka xoogga oo dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwa kalana nolosha ku qabtay.

Muqdisho:-Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaan qiyaastii 11 km u jira degmadda Diinsoor ee gobolka Bay, kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayaan halkaasi.

Howlgalkaan oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyey cadowga ayaa ciidanka xoogga waxay ku dileen 19 maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Alshabaab, waxayna nolosha ku qabteen labo dhagar qabe, iyaggoo sidoo kale ciidanka gubey laba gaari oo kala ahaa Hoomeey Cabdi-bile.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta codka ciidamadda Qalabka sida u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii maleeshiyaadka Alshabaab ay isku aruursanayeen, islamarkaasna khasaare xooggan laga gaarsiiyay cadowga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolada dalka kawada howlgalo lagu baacsanayo argagixisada, kuwaasi oo lagu dhabar jabinayo kooxda arxanka darran ee Alshabaab.