Madaxweyne Qoor-qoor oo agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada Galmudug.

Dhuusamareeb:-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Mudane Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka, arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo wax ku bartay dalka iyo dibadiisa, kana soo shaqeeyey dhinaca waxbarashada muddo dheer.

Cismaan waxa uu ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee mu’asada waxbarashada Iftiin u qaabilsanaa dalka Sweden, taas oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaysay kumanaan arday ah oo wax ku barta Iskuuladeeda ku yaal ilaa 7-magaalo oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanadii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka