Madaxweyne Muuse Biixi oo booqday Dekeda Berbera, soona kormeeray dekeda Cusub

Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey.