Maamulka Somaliland oo Xukun Ku riday rag Kufsi u Geystay Gabar Ku Jirtay Xarun Agoon.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeer ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay kufsi u geysteen Gabar oo kamid dadka deegaanka Magaaladaas.

Raggaas oo gaarayay ilaa iyo 7 eedeysane ayaa ka horgeeyay Maxkamadda Maroodi-jeer, iyagoona kufsi u geystay Gabar lagu magacaabo Cawo Xariir oo kamid aheyd Caruurta ku jirta Xarunta Agoomaha.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeer ayaa laba kamid ah raggaas ku xukuntay Min 3 sano oo xabsi ah, halka 5-ta  kalena lagu riday xukun ah midkiiba 6 bilood oo xarig dibad joog ah.

Dhinaca kale Xeer Ilaalinta Maxkamadda Garyaqaan Jamaal Mandeella oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in cidii aan ku qanacsaneyn xukunkii Maanta lagu riday 7 eedeysane ay racfaan u furan tahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Somaliland ayaa horey u soo qabtay 7 eedeeysane, kuwaasi oo la sheegay in fal kufsi ah u geysteen Cawo Xariir oo kamid aheyd Caruurta ku jirta Xarunta Agoomaha.