Dad ay wadato Al-Shabaab oo isku soo sharxay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho:– Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo sharxeen musharraxiin badan oo u loolamaya kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhowaan la soo dhisayo.

Dhaqtarka oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ergooyinkii soo doortay xildihaabada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee hadda shaqeynaya iyo Ugaasyadooda loo yeeray, islamarkaana ay tageen deegaanada ay ka arrimiyaan Al-Shabaab, iyaga oo la soo tashkiiliyey, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaankan ayaa tilmaamay inay suura-gal noqon karto in kooxda Al-Shabaab xildhibaano 80% ay ku yeelan karto baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.

‘Anaga markaan doorashadii hore soo galnay ee 51-ka aheyd ergooyinkeenii kuli waxaa u yeertay Al-Shabaab, macalin Ugaasyadii ayaa loo yeeray macalin sama-doonadii ayaa loo yeeray waa lasoo tashkiiliyey (Tashkiil waxaa la dhahaa waxaa waaye waa la soo borogaraamiyey) hadda waxaa laga yaabaa xildhibaanadaan imaanaayo inay 80% noqdaan Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo ka tirsan golaha shacabka.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in isagu uu ahaa mid ka mid ah labadii xildhibaan ee diiday doorashada dadban ee ay dhowaan ku heshiyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

“Waxaan u diidnayna waxaa waaye tii horaa aragnay waxaan xasuusanahay nimanaa milyan Dollar ku soo galay, midaa 700 oo kun ku soo galay waa doorasho lacag ah waaye tan ninba ninka uu ka lacag badan yahay aa soo baxaaya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Xaqiiqda jirtaan kuu sheegaa waxaan uga hor imaaneyn waxaa waaye dad ayaa xasaanad ku raadinaayo kaalay xildhibaan noqo oo Ummaddaada u shaqey maahin, waxaa waaye lacag ayuu baxsanaa wuxuu iska rabaa xasaanadaas inuu iska shaqeysto.

Ugu dambeyn wuxuu mas’uuliyadda dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in arrintan haddii aan laga feejignaan ay dhalin karto sida hadda dhacday oo kale in kooramka baarlaamka uu markasta buuxsami waayo, maadaama ay shaqsiyaadka ugu badan yihiin ganacsato hantiile ah.