Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ku dagaalamay deegaanka tirsan G/Jubbada Hoose.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya ee ka midka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan.

Dadka degaanka Taabta ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin.

Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyaga oo baadi goobayay maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday.

Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka Hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Ciidamada Kenya.