Faarax yare, hadda waa Sarkaal sare oo weliba la siiyay Billad Geesi,intii Adeerkii Xilka hayay!!!=Nasashada Jimcaha. Q-222=

1-Asgari la hadlayay Mushaarkiisa ayaa yiri: war Adigu ma kore miyaad tahay 100 Dollar ma dhaaftid, Cuntadii waa kortay, Kiradii Gurigu waa kortay, Wax barashadii Caruurtu waa kortay. Haddii aad ma kore sii ahaato ogoow Dadka jeebkooda ayaan kugu korinayaa. ( F.S: 1aad)


( War Asgari Mushaarkiisa iyo kororka maciishadda ha la isku dheeli tiro).

2- Faarax yare ayaa Tuug Jeebkiisa Bidix Sakiin ku jeexay si uu ugala baxo Lacag ugu jirtay. Faarax yare isma dhaqdhaqaajin. Markii Tuugii tagay ayaa la yiri: Maxaad u dhadhaqaaqi weyday markii Jeebkaaga Sakiinta lagu jeexayay. Waxa uu yiri: waxaan maqlay in beryahaan Dadka wadnaha iyo Kilyaha lagala baxo, waxaan ka baqay in Sakiintu ey Maqaarka ka gudubto oo ey Wadnaha iga gaarto, laakin haduu Sakiinta igu sari lahaa, tan ku dhacdo waa la yaabi lahaa.( F.S: 2aad)

(Faarax yare, hadda waa Sarkaal sare oo weliba la siiyay Billad Geesi,intii Adeerkii Xilka hayay!!!)

3-Nin Mooryaan ah ayaa Shaxaad u soo doontay, Wasiir Bakhiil ah oo ey qaraabo yihiin. Waana u diiday. Mooryaankii ayaa ku yiri. Baabuur ayaa soo xadayaa, kadibna Maxkamadda ayaan tagayaa waxaana leeyahay, Tuug ayaan ahay gacantana ha leeyga gooyo, Baabuurka waxaa ila soo xaday Wiilka Wasiirka. Laba Muuryaan oo qaraabadaana waa ii diyaar oo ii Markhaati kacdo. Wiilkii Wasiirka ayaa ku qeyliyay, Aabe ma gacanteeydaa ayaad 1000$ uga bakhiilee. ( F.S: 3aad)

( Ogoow Wasiiroow, kana aad Mooyraanka leedahay ee istaafka kuu ihi kaama caqli yaro,ee Baahidiisa ka fikir intaan Qooyskaagu Gacma beelin)

4-Nin ayaa aroosay, Naag qudba siro ah waxa uu arkay saddax koofi oo u saaran Miiska, waxa uuna ku yiri: waa maxaay saddaxdaan koofi. Waxa ey ku tiri: waxaa lahaa 3 Nin oo aan is guursanay oo hal sanno gudaheed, Amar Alla waa wada dhintay. Ninkii, koofigiisii ayuu Miiska isna saaray,kuna yiri: waxad tiraa koofigaana waa Koofigii Ninkii 4aad, Laakin ma dhiman ee naftiisuu la cararay.

(Adiguba Caqlaad leedehee, Carar maxaa dhaamo)

5-Wiil Reer Gaalkacyo ahaa oo Aabihii sagootinayay ayaa markii uu Baskii raacayay ku yiri Aabe “Tuula Qurac” ha hilmaamin. Odaygii ayaa markii uu Baskii xoogaa socday ku qeyliyay Tuula qurac mala gaaray, Darwalkii ayaa yiri: Maya. Dhowr jeer markii uu ku celcelyay oo Dadkii dhibsadeen ayaa Darawalkii Musik dheer shiday. Mar dambe ayaa Duqii soo baraarugay oo uu ku yiri: mala gaaray Tuuladii, Darawalkii ayaa yiri: Afar saac ka hor ayaa la soo dhaafay. Duqii ayaa toorey la soo baxay oo ku yiri: dib noo celi. Dadkii oo Qeylinayo ayaa dib loogu noqday Tuuladii markii la yimid ayuu la soo baxay ,Hal Xabo oo kaniini ah, waana liqay. Waxa uuna yiri: na wad hadda , wiilkeeyga ayaa ugu yiri: Aabe ha hilmaamin kaniingii dhakharaku kuu qoray, ee qiyaastii marka la marayo Tuulo Qurac hal xabo ka cun. ( F.S: 4aad)

( Si uu Siyaasigu 4 Sanno u helo, waa in Dadka dib loogu celiyaa halkii ay ka soo gudbeen 4 Sanno ka hor)

6- Single Mother 8 Caruura leh ayaan Ninkii Shukaansanayay ku tiri: ma waxaad u maleeysay in aan ahay Qof weyn ,Caruurta ha eegin, waxaan jiraa 20 Sanno, Anniga oo 12 jir ah ayaa Aabahey Nin aan ilma Adeer nahay oo Darteey u waalan lahaa igu daray.
( Wixii uu ku jawaabay kuu shhegi maayo).

Qore: Yahya Amir