Itoobiya oo Hakisay Qorshe Ethiopian Airlines Looga Dhigi Lahaa Shirkad Gaar loo Leeyahay.

ADDIS ABAB:-Dowladda Itoobiya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay qorshe diyaaradda Ethiopian Airlines, looga dhigi lahaa mid si gaar ah loo leeyahay, kaddib dib u eegis lagu sameeyay wax qabadkeeda inta uu socdo xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Arrintan ayaa qeyb ka ahayd isbeddellada dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee la sameeyay kaddib markii uu Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed talada dalkaas la wareegay sanadkii 2018.

Dwoladda ayaa sheegtay in diyaaradda ugu weyn Afrika ay ku sii jiri doonto gacanta dowladda.

Waxaa arrintan ku dhawaaqay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaas Ahmed Shide, isagha oo intaa ku daray in diyaaraddu ay dhaqaale soo gelineyso dalka.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa hore u sheegtay in diyaaradaheeda rakaabka ay khasaareen in ka badan 900 oo milyan oo doollar inta lagu guda jiro xilligan oo uu socdo xanuunka COVID-19.

Ethiopian Airlines ayaa ka mid ah sharikadaha duullimaadka dunida ee ku guulaystay in ay si aad ah u xakameeyaan kharaasarahooda xilliga COVID-19 kaddib markii tiro ka mid ah diyaaradaha shirkadda loo beddelay kuwo xamuul safarrada dadweynaha ee yaraaday awgood.