Ciyaaryahan Naymar Jr oo Barbarreeyay Rikoodhka Goolasha Ronaldo.

PARIS:-Xiddigga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain, Neymar Jr ayaa ku guuleystay inuu dhaliyo goolkiisii 62-aad intii uu ku guda jiray waayihiisii xulka qaranka ee Seleção, wuxuuna soo barbarreeyay rikoodhka halyeeyga Luís Nazário Ronaldo.

Goolka 62-aad ee Neymar Jr ayaa yimid kulan ay kula ciyaareen xulka Peru isreeb-reebka Koonfurta Ameerika ee Koobka Adduunka 2022, kaddib markii uu ku guulystay inuu gool u badelo rigoore loo dhigay daqiiqadii 28-aad.

Neymar Jr ayaa soo barbareeyay Luís Nazário Ronaldo, maadaama ay wada dhaliyeen 62 gool, halka halyeeyga Pele uu weli yahay gooldhaliyaha ugu sareeya ee xulka qaranka Brazil kaddib markii uu dhaliyay 77 gool.

Neymar oo ah 28 sano jir, wuxuu u baahan yahay 15 gool si uu u bar-bareeyo rikoodhka gooldhalineed ee halyeega Pele, isla markaana uu kali ugu noqdo hoggaanka liiska gooldhaliyaasha ugu sarreya taariikhda ee xulka qaranka Brazil.

Neymar wuxuu bilaabay xirfadiisa caalamiga ah xulka Brazil bishii Ogosto ee 2010-kii, waxaana guushiisii ugu fiicneyd uu la gaaro xulka Seleção loo arkaa inay tahay kaddib markii ay gaareen semi-finalka Koobkii Aduunka 2014, kahor inta aysan guuldarro 1-7 ah kala kulmin dhiggooda Germany.