Boqortooyadii Nafleyda !!!.(Boqorka Cusub Ow Libaax.)

Nafleeyda Allaah uu ku abuuray Keymaha ayaa Go’aansaday in ey dhistaan Maamul Maamul ka kooban 75 xubnood, waxaa la isagu yimid Geedkii weeynaa ee “Shajaratul Akhyaar” hoostiisa, Geedka Jiridiisa waxaa la dhigay Kursigii uu ku fadhiisan lahaa, Boqorka Cusub Ow Libaax.
Libaaxii ayaa soo daahay, Gabbalkii ayaa dhacay, Habeen barkii ayaa la yiri: Daanyeeroow adaa Geeda Koridda ku fiicane, Bal fiiri Libaaxii halka uu soo socdo, Daanyeerkii ayaa meel fog ka arkay Libaaxii oo soo gaatin socodleeynayo ( F.S: 1aad)
Daanyeerkii ayaa markii uu Libaaxii meel fog ka arkay, Naxtin Geedkii uga soo dhacay, kuna soo ag dhacay Kursigii Libaaxa, Duurjoogtii kale ayaa ku tiri: ma Kursiga Ow Libaax ayaad ku fadhiisa rabtay. Daanyeekii oo jareeynayo ayaa yiri: waa waa, soo, soo Socdaa Libaaxii, ogaada Annigu Kursigiisa kuma fadhiisa rabin ee Geedkaan ka soo dhacay. ( F.S:2aad)
Libaaxii ayaa yimid, aad ayaa loo soo dhaweeyay, Salaan kadib Libaaxii ayaa arkay Daanyeerkii oo jareeynayo, Kuna yiri: Ha nixin, Annigaa soo daahay, Habeen saq dhaxaana waa aheyd, Hurdana waa ku qabatay ee Kursiga uma aadan socon, Cafis ayaan kuu fidiayay ee Nafleeydaaada dhinac ka raac.Daanyeerkii Farxad ayuu la ilmeeyay.
Qore: Yahya Amir