Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay 79 tan oo maado Qaraxyada laga sameeyo ah iyo Shakhiyaadkii watay.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa saaka oo Arbaco ah shaacisay, in ay gacanta ku dhigtay 79 tan oo maadada Sulfuric Acid (H₂SO₄) oo loo adeegsado samaynta Qaraxyada.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in sidoo kale la qabtay shakhsiyaadkii dalka soo geliyay maadada, kuwaas oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab.

Baaritaanka maadadan waxa ka wada-shaqaynaya NISA iyo hay’adaha ay iska kaashadaan La-dagaallanka Argagixisada sida lagu caddeeyay Qoraalkaas.

Dhanka kale, NISA waxay sheegtay in Sharciga la marin doono shakhsiyaadka lagu qabtay maadada ‘H₂SO₄’ oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab, si ay qaraxyo uga samaystaan.