JUXA OO DHAGXIHII KA QAADAY MAGAALADA !!!.

Juxa waxa uu Deris la ahaa Faarax. Faarax waxa uu deganaa hal Qol, isaga, Xaaskiisa iyo Sideed Caruur ah oo uu dhalay. Farax oo Maalintii oo dhan ku maqan Shaqadiisa oo dhib iyo dhafar ku qabay Qolka cariiriga ah iyo Caruurta oo midba mar soo tooso. ayaa waxa u timid Hooyadii oo Caruurta u sheekeeyneeyso illaa Habeen Barkii.
Faarax waxa uu u tagay Saaxiibkii Juxa waxa uuna weeydiiyay Talo. Juxa ayaa kula taliyay in uu Diiq soo iibsado Qolkana uu ku dhax xareeyo Habeenkii. Sidii ayuu yeelay. Subaxdii kale ayuu u yimid Juxa kuna yiri: Hadeeyba ka sii dartay, oo Diiqa Habeenkii kama seexan karno, Subaxdiina Qeeyladiisa ayaan ku toosnaa.
Juxa ayaa mar kale kula taliyay in uu Dameer soo gato Qolkana ku soo dhax xiro Habeenkii. sidii ayuu yeelay, Arrintii waa ka sii dartay, Faarax Maalintii ma nasto Habeenkiina ma hurdo.
Subaxdii kale ayuu Faarax u yimid Juxa, Juxa ayaa kula talyay in uu Diiqa qalo, Dameerkana uu iska iibiyo. Faarax taladii ayuu qaatay, Diiqii waa qalay, Dameerkiina waa iska sii iibiyay. ( F.S: 1aad)
Juxa ayaa Subaxdii kale waxa uu u jeeday Faarax oo u soo socdo, Juxa waa is qariyay, Laakin Faarax ayaa u yimid oo ku yiri: Xalay si fiican ayaan u seexaday Kadib markaan Diiqii qalay, Dameerkiina iska iibiyay. waxaana kuugu imid in aan kaaga mahad celiyo, Culeeyskii aad Xalay iga qaaday, si fiican ayaana u hurday, Xataa ma dareemin joogitaanka iyo Sheekada Hooyadeey iyo Caruurta dhax mareeysay.
Juxa oo si hoose iskula hadalyo ayaa yiri: Dhibkii aan u keenay ayuu ka mahad celinayaa, waa in aan Berri u keenaa 2 Diiq iyo 2 Dameer si uu Ducada iigu Laba laabo, Lacagta lagu soo iibinayana aan isaga ka qaado.
Doqoneey Juxa u duceeya.
Qore: Yahya Amir