Dib u furista waddooyinka Muqdisho: ” Xilligan lagu soo aadiyay ayay xaaladda ka khatar badan tahay”

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u furtay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho ee dhagaxaanta shubka ah ee lagu jaray si looga hortago gawaarida qaraxyada sida ay Al-Shabaab ku weeraraan xaruumaha dawladda iyo hudheelada waaweyn.

Waddooyinka oo qaarkood ay go’naayeen muddo ka badan lix sano ayaa waxaa dhibaato ku qabay dadweynaha magaalada oo u arkayay inuu caqabad ku yahay isu socodkooda iyo ganacsigooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xirnaanshaha waddooyinka ay dhibaato ku reebtay shacabka Muqdisho.

“Aniga bil ka hor waxaan kamid ahaa shacabka magaalada Muqdisho ee ku dhibaateysanaa xirnaanshaha waddooyinkan runtii waan garan karaa dhibka iyo xanuunka ay leedahay xirnaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed “Tuuryare” oo ah madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in lasoo maray xilliyo kala duwan oo dib loo furi karay waddooyinka magaalada balse haatan ay arrintan kusoo beegantay xilli dalka uu ku jiro xaalad xasaasi ah.

“Xilli intan dadka ugu dhib badan yihiin oo wakhti badan dowladda heysatay oo la furi karay ayaa dalka soo maray, xilligan lagu soo aadiyay ayay xaaladdu ka khatar badan tahay xilliyadii ka horreeyay, xaalad xasaasi ah oo doorasho lagu jiro”

Ra’iisul Wasaaraha oo dib u furay waddooyinka in muddo xirnaa

Wuxuu sheegay in dowladda looga baahnaa inay shaaciso tallaabooyin dhowr ah ku saabsan xaqiijinta amniga waddooyinka si aan mar danbe loo xirin.

“Dowladda waxaa laga rabay inay sheegto shaley markii ay xireysay sidaa, amni darro ayaa jirtay, dhibkaas baa jiray, maanta dhibkii baa yaraaday.. qorshihii shaley lagu xiray waddooyinka waa in la sheegaa qorshihii baddalay beri in aan la xireyn” ayuu yiri Janaraal Cabdiraxmaan Tuuryare.

Dadweynaha Muqdisho ayaa hore uga caban jiray waddooyinka xiran. Horraantii toddobaadkan dhowr waddo ayaa loo xiray si lama filaan ah. Gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaana loo diiday inay isticmaalaan, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiyada.