He’yada DRC oo ka qeyb-qaadatay gurmadka loo fidinaayo dadka ku barakacay duleedka Beledweyne.

He’yada DRC ee laga leeyahay  dalka Denmark ,isla markaana ka shaqeysa arimaha gargaarka iyo qaxootiga ayaa sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaalada loogu gurmanayo dadka fatahaadaha ka cararay ee degan duleedka magalaada Beledweyne .

DRC waxay tilmaantay in ay halkaasi geysay haaman biyaha lagu keydiyo oo meeshii la doono loo qaadi karo.

Waxay sheegtay in ay ka faa’iideysan doonaan 1,1998 qof kuwaas oo biyo nadiif ah heli doona.

DRC waxay sheegtay in helida biyo nadiif ah ay kaalin weyn ka qaadaneyso yareenta cudurada biyaha ka dhasha gaar ahaan shubanka oo caruurta laaya