Dowladda Soomaaliya oo xalay ka qaaday Dhagxaantii yaalay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay xalay qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha Wadooyinka Muqdisho oo muddo sanado ah ay dhibaato ku qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Isgosyada iyo baaraha konroolada ee dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah sanca siinay,Seybiyano, Tarbuunka,Sh Cali suufi iyo mello kale .

Gawaarida dhagaxanta qaadda ayaa lagu arkaayay xalay iyaga oo ka daabulaya wadooyinka muhiimka ee Muqdisho oo intii Madaxweyne Farmaajo xilka hayay ay dhagaxaan buux dhaafiyeen.

Shacabka iyo gaadiidka ayaa ku qabay dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codasaday in ay jidadka u furto, laakiin ay iska diiday.

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xalay laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray .

Waxaa la sheegayaa in Dhagaxaanta la geyn doono Kontooralada laga soo galo Muqdisho, halkaas oo laga suggi doono Amniga caasimada.