Dagaal Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Wararka la helaayo ayaa sheegaya inuu dagaal kooban ka dhacay saacadihii la soo dhaafay deegaan duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo dhexmaray dad xoolo dhaqato ah.

Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay arrimo la xiriira dhul-beereedyo la isku qabsaday oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Shiirkaneeco oo 20KM ka dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray dadka xoolo dhaqatada ahaa, waxaana halkaas ku geeriyooday laba qof, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Baladweyen, si halkaas loogu dabiibo xaaladooda Caafimaada, iyadoo dhinac inta uu socday dagaalka isku adeegsaday hub kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Shiirkaneeco ayaa sheegaya in xaaladda saakay ay tahay mid degan, isla markaana ay socdaan dadaadlo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhashay dhul-beereedyada la isku qabsaday.