Xil + Musmaar + Dab!!! =Faallo=

Haddii Xil loo qabto Muslimiinta iyo Masuuliyaddii ey Beec noqdeen, kan iibinayo iyo kan gadanayo, waxa ey ku heshiiyeen in ey ku Fadhiistaan Kursi Aduunyada Musmaaro ah, Aakhira Holac ah. ( F.S: 1aad)
Allaah ayaa Qur’aanka noogu sheegay, Ma siman yihiin kuwa wax bartay iyo kuwa aan wax baran?.
Odayaasheena Dhaqanka iyo Siyaasiyiinteenu waxa ey ku leeyihiin : ma siman yihiin kuwa Dollar heysto iyo kuwa aan heeysan?.
Qofkii Xil doonayoow, Dariiq sax ah wax ku raadi, Kadibna Xilka u gudo si Allaah uu Raali ka yahay, waa iga tallo.
Anigu Aqoon Badanna ma lihi, Dollar Badanna ma heeysto, Sal Aduunka Musmaar iga celiyo iyo Maqaar Qiyaama Dab u adkeeystana malihi. Beeca kuraastana kuma jiro.
Qore : Yahya Amir