Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax dheere.

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Qansax-dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmada qansax-dheere ee gobolka Bay.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda ka soo gaaray dad rayid ah.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weeydaar sadeen Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degmada Qansaxdheere iyo laamaha Amniga degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Bay.