QM oo sheegtay in  Soomaaliya ka taageerayso dhinacyo badan oo ay ka mid tahay, nabadda, dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaana warbixin ka siiyay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka.

“Ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd inuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga qaramada midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira.

Qaramada Midoobay ayaaa Soomaaliya waxay siisaa taageero dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Bani’aadanimada, waxaana sanad walba ay sheegtaa inay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya.