Kooxo Hubaysan oo weeraray Gaari siday dad shacab ah oo khasaare ka dhalatay.

Wararkaka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari Siday dad Shacab ah gobolka Galgaduud.

Hal Qof ayaa ku dhaawacmey kadib markii dablay hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saaraayeen dad shacab ah oo ka baxay Balamballe kunasii jeeday Deegaanka Qaran oo isla degmadaasi ka tirsan.

Kooxda Falkaasi geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen,waxana degaanadaas horay uga dhacay dagaal beeleedyo.

Dhanka kale falkan ayaa la xiriira aanooyin qabiil oo mudoba ka dhex jiray xoolo dhaqatada ku wada nool miyiga Balambale, sidoo kale maamulka Galmudug ayaa wali arintaan wax war ah ka soo saarin xilli Ciidanka Galmudug ay wadeen bilihii la soo dhaafay dadaal looga hortaagyo dagaal beeleedyada.