Haddaad Roob tahay Gaalkacyo ma ku di’i leheeyd!!!

Hal ku dhaggii ah ” Haddaad Roob tahay Gaalkacyo ma ku di’i leheeyd”. Been ayuu noqday Maanta. Dhulka Xareerdaa buuxdo, Cirka Daruuraa hoganayo, Hillaacu waa indhaha ka qabso, meel aad ku okorato raadso. Dr. Dalmar iyo prof. Shirwac ayaa iiga markhaati ah. ( F.S: 1, 2, 3, 4, 5 &6aad).
Ayax fara badan ayaa ku habsaday deegaano fara badan, Waa ka gambo Ayaxa ama Gacanta Rux rux ( F.S: 7 & 8aad). Ayax Malaayiin ah oo shalay naga gudbay oo u gudbay dhinaca Cadaado ayaa la igu yiri: kaasi waxa uu khatar ugu jiraa in Sambuusi laga dhigto.
Maantana Ayax fara badan ayaa ku soo qulqulayo deegaanka, ma jirto cid Culeeys iska saartay la dagaalanka Ayaxa. Maamulkuna waxa uu ku mashquulay Arrimaha Doorashooyinka, waxaan u maleeynaa in eyna warba u heyn in Laba Bilood ka hor uu Bangiga Aduunku u diyaariyay 40 Million Dollar in lagula dagaalamo Ayaxa Somaliya oo kaliya.
Geel fara badan ayaa daaqayay waddada hareeraheeda Cirkana Roob ayaa ka muuqday, Prof .Shirwac ayaa igu yiri: Geelaan waxaa wada leh Dadka Deegaanka, waxaan ku iri: Anigaba Geel baadiya ayaa iga maqan ee marka hore i tusi Sumadda ku taal Geela. ( F.S: 9-12).
Gaalkacyo Roob waa ka da’ay, Dhulku Waa Barwaaqo, haddana waxaa ka jirtay Nabad.
Kadibna waxaan taganay dhulka Deexda ah oo Ari Badani daaqayo ,Gabbalkii ayaa sii dhacayo maantana waxaan safray 470 km . ( F.G: 13-14).
Wixii aan indhaheeyga ku arkay ayaan kuu sheegay, Rumeeyso ama ha Rumeeysan.
La soco Qeeybbta kale.
Qore: Yahya Amir