Weligaa Geed Yaanyo ma ka soo dhacday? =Aqriso adigaa yaabi doona!!!=

Waxaan maqli jiray sheeko aheeyd (Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa yiri:Aniga oo yar ayaan Geed Yaanyo koray kadibna waan ka soo dhacay,isinka illaaheey Lug baa wax iga gaareen).
Maanta waxaan tagay mid ka mid ah Beeraha Khudaarta ee Magaalada Gaalkacyo, Runta haddii aan ka sheego, waxa ey aheeyd markii iigu horeeysay nolosheeyda ee aan arko Geed Yaanyo oo iga dheer, iskuma dayin in aan koro, waxaan u arkayay in uu jilacanyahay, inkstoo Geed Gaalkacyo ka baxay jiridiisa aan la dhayeel san karin oo Rafaad iyo adkeeysi badan ey soo martay Jiriddu si ey u noolaato. ( F.S:1-6aad)
Beertaa oo ka mid aheyd kuwa ugu yar yar Magaalada, haddana Maalintii waxaa laga guraa 70kg oo Yaanyo ah. isla Beerta waxaa ku yiil Barbarooni iyo khudaar kale.( F.S:7-11)
Gaalkacyo waxa ey ku dhaqdahay in ey isaga filnaato Khudaarta yar yar oo ey u baahan tahay Maalintiiba. waana ugu hambalyeeynayaa.
Dalkeenu malahan meel aan wax lagu beeri karin haddii Dadaal la muijiyo.
FG: Geed Yaanyna ha isku korin, waxa ey aheeyd kaftan Reer Gaalkacyo ey sameeyeen.
Qore: Yahya Amir