Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo xilkii laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay.

Afgooye:-Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Afgooge gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Cumar Qaasim.

Ibraahim ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu khilaaf xoog leh kala dhaxeeyay gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Najax.

Dhanka kale isla wareegtadan waxaa guddoomiyaha degmada Afgooye loogu magacaabay Aweys Cabdullahi Cumar, waxaana la faray qeybaha kale ee maamulka iyo bulshada reer Afgooye inay isaga la shaqeeyaan hadda kadib.

Hoos ka aqriso Wareegtada;-