Guddoomiye Cismaan Barre oo sheegay in aan Dib looma dhigi karo doorashada Hir-Shabeelle.

Goddoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay khilaafaadka iyo is qaqabsiga ka taagan doorashada Maamulkaas oo haatan wakhtigeeda la joogo.

Guddoomiye Cusmaan Barre ayaa meesha ka saaray inay joogsatay Shaqadii guddiga doorashada uu magacaabay Madaxweyne Waare, kuwaasi oo shaqadooda bilaabay dhawaana soo saaray habraaca doorashada, balse Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ka soo hor jeestay habraaca ay soo saareen.

Goddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele ayaa guddiga kula dardaaramay in howsha halkooda ay ka sii wataan cid kasta oo doonaysana ka qeyb galka doorashada Hirshabeele ay timaado si ay kaga qeyb galaan doorashada, isla markaana waqtigeeda ay ku dhaceyso.

Beelaha dega hirshabeele ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid ka sii dareysa.