Dagaal culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Baraawe iyo Faah faahin ku saabsan dagaalkaasi.

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex-maray dueledka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee degmada Baraawe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaaro labada dhinac ka soo gaaray dagaalka, sidoo kalena ay jireen Madaafiic dhowr aheyd oo ay isku rideen labada dhinac.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM ay weerarka, kaddib howlgallo ka sameeyeen degaannada ku yaalla duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, in kastoo aan weli la sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas.