Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo Geeriyooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Galeyr oo da’diisu ahayd 78 jir wuxuu horey u soo noqday Ra’iisul wasaarihii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya sanadkii 2000, sidoo kale wuxuu horey u soo noqdey hoggaamiyaha maamulka Khaatumo State ee gobollada Sool iyo Sanaag

Wuxuu ku dhashay Oktoobar 1941 magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, Soomaaliya.

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare waxa u uku qaatay iskuulka Sheekh ee gobolka Togdheer.

1963 ilaa 1965, wuxuu deeq waxbarasho ka helay Jaamacada Boston ee dalka Mareykanka isaga oo ilaa waxbarashada heerka PHD ku soo qaatay dalkaas oo uu macallin ka noqday qaar ka mid ah jaamadacadaha dalkaas.

Galayr sidoo kale waxa uu shaqooyin rayid oo badan kasoo qabtay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.