Maamulka Degmada Balcad oo ka hadlay howlgallada ka socda Deegaano iyaga hoos yimaada iyo khasaaraha ka dhashay.

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay ka hadleen dagaalada iyo howlgalalda ka socda duleedka degmadaas, howlgaladaas oo ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in howlgalalda ay yihiin kuwo looga hortagayo weerarada ay Al-Shabaab geystaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu sheegay in dagaal kooban oo ay la galeen Al-Shabaab uga dileen 10 Xubnood sidoo kale Ciidamada dowladda ay Al-Shabaab kala wareegeen 11 tuulo oo hoostaga degmada Balcad.