Kaftan Reer Magaal=Beerta “The Village” ee Gaalkacayo=

Prof.Shirwac ayaa i geeyay Beerta “the Village” ee Gaalkacayo Maanta. waxa uu yiri : Fiiri,Dhirta aan halkaan ku beernay. waxaan ku iri: Aan iska hubsado ma geedaa mise waa Caag aad Meesha ku mudmudeen?. waan taabatay, waa Geed. ( F.S:1aad).
Geedi Liimo iyo Geed Moose ayaan arkay iyaga oo ku murmayo, Adigaa Inta na keenatay iyo Adigu maxaad ii soo raacady. ( F.S:2aad).
Gudoomiyaha Jaamacadda Galkacyo prof. Muxyadin ayaa i geeyay Hoolka ugu weeyn Magaalada ee loogu talagalay in Shiraraka iyo Doorashooyinka lagu qabto oo laga dhisay meel Magaalada ka baxsan. Waxaan ku iri: ma waxaad rabtiin in mushariciinta, tartamayo midkiiba 5000 Dollar aad ka qaadiin, kii guuleeystana 10.000 Dollar. Haddii uu bixin waayana la yiraa, Iga wallee in aadan iridda ka bexeeyn. ( F.S:3aad).
Carrur Geed ku Ciyaareeysay ayaa mid Macawistiisii Geed ku xirtay kadibna Dhaxda ka galay sidii Kaballi isaga oo ka soo laalaado ayaa mid kale Geedkii ka soo riday. Xaajadii ayaan u fadhiisanay Anniga iyo koox ah Ciyaalka ilka casse. waxaan ku fadhiisanay kuraas ah Isbuunyada Gaalkacyo. Waxaan ku iri : Xaajadaan haddii odayaal loo dhiibo, dhaqsi u dhamaan meeyso, waxaana dhici karto in Laba beelood isku dilaan. Waxaan ku dhameeynay 4 Faataxo oo labo Cash tahay. ( F.S: 4, 5 , 6 & 7aad)
Kadibna waxaan ka qeyb galay Xafladii Furitaanka Kambaska cusub ee Jaamacadda Gaalkacyo. (F.S: 8 & 9aad).
Beerta Timirta Gaalkacyo ayaan tagnay ugu dambeeyn, Dhir gaagaaban oo Timir ah ayaan arkay miruhuna ey ku yaaliin geedka jiridiisa, Markii aan soo qabatay Mirihii Timirkii ugu horeeyay waxaan u maleeynayay Murcud, Laakin Dhadhan Timir waa lahaa.
Ar Gaalkacyaa!!! .Berri war waa i sugaa.
Qore: Yahay Amir.