ECOWAS oo Cunaqabatayntii Ka Qaadday Maali

Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika “ECOWAS” ayaa qaaday cunaqabatayntii uu dhawaan saaray dalka Maali.

Ururka ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen kaddib markii hoggaanka dalkaasi uu si dhab ah ugu hoggaansamay dastuurka iyo baaqyada dalalka gobolka.

Sidoo kale ururka ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ka war dhowrayay ay ahayd in qof rayid ah loo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalkaas taasina ay dhaqangashay.

ECOWAS ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan xabsiyada laga sii daayo masuuliyiinta milatariga iyo kuwa rayidka ah ee xabsiga galay xilligii uu socday afgambigii 18-kii August xilka lagaga tuuray dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Ibrahim Boubakar Keita iyo xukuumaddiisii.

Ururka waxa uu sheegay in qaadista cunaqabataynta ay uga gol leeyihiin taageeraha geeddi socodka dowlad rayid ah oo ka dhalata dalka Maali.

Waxaa kale oo uu ururku codsaday in la kala diro golaha millatariga dalkaas ee isugu yeera “Guddiga Badbaadada Shacabka” kaas oo majaraha u hayay afgambigii dhawaan dalkaasi ka dhacay.