Dabley Dad Barakacayaal ah Ku Leeysay Burkina Faso

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku geeriyootay dalka Burkina Faso kaddib markii koox dabley ah ay tacshiirad huwiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen dad barakacayaal ah.

Gaadiidka ay dableydu rasaaseeyeen oo ay saarnaayeen 46 qof ayaa marayay meel ku dhow magaalada Boulsa.

Dableyda ayaa laayay dhammaan raggii saarnaa gaadiidkaas iyaga oo aan wax xadgudub ah ku samaynin haweenkii iyo carruurtii ay la socdeen.

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in weerarka dadkan lagu laayay uu dhacay habeenkii Arbacada ahaa.

Sargaal u hadlay hay’adda ayaa sheegay in markii ay dhacdadaasi maqleen ay aad uga argagaxeen aadna u cambaareynayaan.

Aalaaba kooxaha argagixisada ah ayaa dhibaatooyin ka geysta gobollada waqooyiga iyo bariga dalka Burkina Faso oo ah gobollo kulaala xuduudka dalalka Maali iyo Nayjar oo ay kooxahani ku badanyihiin.