Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirada dalalka Nordiga u jooga Soomaaliya +Sawirro

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka Nordiga ee kala ah Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland u jooga Soomaaliya isagoo kala hadlay arrimaha amniga doorashooyinka iyo dowlad wanaaga .

Kulankaan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta Dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya waxaana ku wehlinayay sii hayaha ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo masuuliyiin kale.