Maleeshiyaad lka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday gudaha dalka Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in ilaa 8 qof ay ku dhaawacmeen, kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen, baabuur bas ah oo ka baxay Mandheera kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Gaariga la weeraray ayaa waxaa saarnaa dad farabadan oo Shacab ah, waxaana dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaallada Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Mandheera ayaa wuxuu sheegay in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalada Ceelwaaq iyo degaanka Katimho, isla markaaan dadka waxyeelada la gaarsiiyay ay ahaayeen dhamaantood Shacab.

Waxaa la sheegay in Afar kamid ah dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi uu dhaawacoodu yahay mid clus,sidoo kalena laamaha Amniga dowladda Kenya ay baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerareen Basas isaga kala gudbayay Magaalooyinka dalka Kenya, waxaana weeraradaas ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka saran.